Madaxweyne Xasan Sheekh iyo James Swan oo ka wada hadlay taageerada Qaramada Midoobey

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta Magaalada Muqdisho kula kulmay Ergayga Gaarka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Somaliya, James Swan, isagoona kala hadlay taageerada Qaramada Midoobey ee dalka.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobey (UNSOM) ayaa lagu sheegay in James Swan uu ku faraxsan yahay in si shakhsi ah uu ugu hambalyeeyo Madaxweynaha la doortay.

“Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey, James Swan ayaa ku faraxsan in uu maanta la kulmo, si shakhsi ahna uu ugu hambalyeeyo Madaxweynaha cusub ee la doortay Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uuna wax ka bartay arrimaha mudnaanta u leh maamulkiisa.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in labada dhinac ka wada hadleen, sida ugu wanaagsan, ee ay Qaramada Midoobey u sii wadi karto taageeradeeda dowladda iyo shacabka Soomaaliyeedba.

“Waxay ka wada hadleen, sida ugu wanaagsan, ee ay Qaramada Midoobey u sii wadi karto taageerada ay siiso Somaliya iyo dadkeedaba.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Somaliya ayaa qaramada Midoobey u aragto saaxiib muhiim u ah horumarinta dowladnimada dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com