Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa kula kulmay Kuxigeenka Wakiilka Midowga Afrika ee Somaliya, Fiona Lortan iyo Taliska Hawlgalka KMG ee ATMIS.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa Fiona Lortan iyo Taliska ATMIS-ba uga mahadceliyay kaalintoodii sugidda amniga ee doorashooyinkii dalka iyo weliba wada shaqayntooda.
“Ra’iisal Wasaaraha ayaa madaxda iyo Taliska ATMIS uga mahadceliyay kaalintii ay ka qaateen sugidda amniga ee doorashooyinkii dalka ka qabsoomay iyo wada shaqayntoodii.” Ayaa lagu sheegay qoraal lagu daabacay bogga Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.
Qoraalka ayaa sidoo kale lagu yiri “Waxa uu ku booriyay in ay sii dardargeliyaan howlaha nabad ilaalinta, ee ay dalka u jooggaan.”
Ciidanka ATMIS ayaa door muuqdo ku lahaa sugidda amniga ee doorashadii dhawaan lagu soo doortay Madaxweynaha 10aad ee dalka.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com