Xasan Sheekh oo sheegay in qorshe qaabeysan lagu xaqiijin doono amniga Muqidsho

Madaxweynaha cusub ee Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kooban uga hadlay qorshaha dowladdiisa uga yaala sugidda amniga ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka oo wareysi dhinacyo badan taabanayay siiyay VOA, waxna laga weydiiyay muhiimadda ay dowladdiisu siineyso amniga magaalada ayaa waxa uu bidhaamiyay in qorshe qaabeysan uu uga degsan yahay howlaha sugidda ee amniga Caasimadda Muqdisho.

“Magaaladan inaan xaqiijinaa rabnaa inay amni noqoto, si aan u xaqiijinana amniga, Muqdisho dhexdeeda laguma xaqiijin karo. Labada Shabelle iyo bannaankana waan ka xaqiijinaynaa, Muqdisho gudaheedana Sirdoon xoog leh oo qaabeysan ayaan u samayn doonnaa, caalamkana waan la kaashan doonnaa.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaasi ku daray “Arrimaha amniga cid kastoo naga saacidaysa waan soo dhaweynaynaa.”

Magaalada Muqdisho oo ah magaalada ugu weyn ee dalka, ayna ku nool yihiin in ka badan saddex milyan oo qof ayaa la daallaa dhaceysa weerarada ay ka gaysanayaan kooxaha hubeysan ee dalka ka dagaalama.

Muqdisho ayaa lagu tilmaamaa magaalada dilalka iyo qaraxyada ugu badan ay ka dhacaan, iyadoona ay walaac dhanka amniga ah ku hayso bulshada ku dhaqan.

Dhegxaanta waaweyn ee sanadihii ugu dambeysay lagu jaraayay wadooyinka ayaa keentay in magaaladu kala xiranto, iyada oo dadku dhib badan ku qabaan isu tallaabidda magaalada gudaheeda.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com