Dab xoogan oo ka kacay goobo ganacsi oo ku yaala Isgoyska Banaadir

Dab xoogan ayaa caawa ka kacay goobo ganacsi oo ku yaala Isgoyska Banaadir ee Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

Dabka oo aan la garanayn waxa dhaliyay ayaa u muuqdo mid ku sii fidaya goobo ganacsi oo hor leh, iyadoona ay socdaan dadaalo lagu doonayo in dabkaasi lagu baqtiiyo.

Shaqaalaha Gaadiidka Dab-demiska, ganacsatada iyo dadka deegaanka qaybtood ayaa ka qayb qaadanaya dadaalada socda ee dabkaasi lagaga hortagayo.

Ciidamada Booliska oo goobtaasi ku sugan ayaa ridaya rasaas ay ku xakameynayaan dadweyne fara-badan oo goobtaasi soo buux dhaafiyay.

2-dii bishii January ayay ahayd, markii dab xoogan uu baabi’iyay goobo ganacsi oo ku yaala xaafadda Sey Biyaano ee Degmada Hodan. Dabka ayaa xilligaasi ka bilowday Suuqa Caanaha lagu iibiyo ee Sey Biyaano, iyadoona uu markii dambe ku fiday bakhaaro ganacsi.

Magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka ayaa waxaa ku badan dabka ka kaca suuqyada lagu ganacsado.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com