Dabka ka kacay Suuqa Isgoyska Banaadir oo khasaaro ballaaran gaystay

Dab xoog leh oo caawa ka kacay Suuqa Isgoyska Banaadir ee Degmada Hodan ayaa baabi’iyay qaybo ka mida goobaha ganacsiga ee ku yaala suuqaasi, iyadoona aan illaa iyo hadda la garanayn waxa dhaliyay dabkaasi, marka laga soo taggo warar aan la xaqiijin oo sheegaya inuu ka dhashay xarig koronto.

Dabka ayaa khasaaro baaxad leh gaarsiiyay goobaha ganacsiga ee ku yaala inta u dhaxeyso Isgoyska Banaadir iyo Isbitaalka Kalkaal ee Magaalada Muqdisho.

Ciidanka Dab-demiska iyo Shaqaalaha Gurmadka Degdegga ayaa weli ku howlan deminta dabkaasi, iyagoona isku deyaaya inay dabka ku xakameeyaan goobaha uu haatan ku egyahay.

Booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa ku biiray dadaalada lagu baqtiinayo dabkaasi, ka dib markii la arkay in dabku uu si degdeg ahi ugu fidayo goobo hor leh.

Shaqaalaha Gurmadka Degdegga ayaa sheegay in inta badan dabka la demiyay, iminkana ay ku howlan yihiin, sidii ay u soo afjari lahaayeen.

Saraakiisha hay’adaha ammaanka ayaa sheegaya inaysan jirin cid wax ku noqotay dabkasi, marka laga soo taggo hantida baaxadda leh ee uu baabi’iyay.

Dhanka kale Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa ganacsatada Soomaaliyeed la wadaagay walaaciisa ku aaddan khasaaraha hantiyadeed ee uu sababay dabkaasi.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in la garab istaago ganacsatada ku hantida beelay dabkaasi.

“Gudoomiyaha ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay Ciidanka Dab-demiska iyo Kooxda Gurmadka Degdegga, kuwaas oo la tacaalaya dabka ka kacay Suuqa Banaadir, waxaana uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in dadka walaalahood ah ee ku hanti beelay dabkan la garab istaago.” Ayuu Aadan Madoobe ku sheegay war ka soo baxay xafiiskiisa.

Suuqyada dalka ayaa waxaa ku badan dabka ka kaca goobaha ganacsiga, iyadoona uu dabku gaysto burbur hantiyadeed oo ballaaran.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com