Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa gaaray Magaalada Abu Dhabi ee Caasimadda Isutagga Emirate-ka Carabta, halkaas oo uu uga qaybgelayo tacsida Madaxweynihii geeriyooday ee dalkaasi, Sheikh Khalifa Bin Zayid.
Sidoo kale waxa uu Ra’iisal Wasaaruhu, Madaxweynaha cusub ee dalka Imaaraadka Carabta Sheikh Maxamed Bin Zayid Al Nahyaan gaarsiinayaa dhambaal hambalyo iyo salaan ah oo uu uga sido Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Xasan Sheekh Maxamuud.
Ra’iisal Wasaaraha waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Abu Dhabi ku soo dhaweeyay Wasiirka Cadaaladda ee dalkaasi, Cabdalla Alnuceymi.
Rooble waxaa booqashadiisan ku wehliya Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Maxamed Nuur, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Alcadaala) iyo masuuliyiin kale.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com