Somaliya oo dib u celineysa lacagtii Emirate-ka laga qabtay 2018

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta fasaxday lacagtii Dowladda Emirate-ka Carabta laga qabtay, ee la sheegay inay si sharci darro ah dalka ku soo gelisay, iyadoona burisay go’aankeedii hore ee 30-kii bishii January ku diiday in lacagtaasi dib loogu celiyo Emirate-ka, ka dib baaqii Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee ahaa in lacagtaasi loo celiyo dowladaasi.

Maxkamadda ayaa amartay in lacagtaasi oo cadadkeedu dhan yahay 9.6 milyan oo dollar laga saaro khasnadda dowladda, dibna loogu celiyo dowladdii iska laheyd.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa 7-dii bishii January sheegay in lacagtaasi ay tahay in loo celiyo dalkaasi, ha yeeshee uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka soo horjeestay, taasoo dhabaha u xaartay go’aankii hore ee isla bishaasi ka soo baxay Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Ciidamada Dowladda ayaa bishii April ee sanadkii 2018 lacagtan ku qabtay Garoonka Aadan Cadde, iyagoona kala degay diyaarad ka timid dalkaasi.

Safaaradda Emirate-ka Carabta ee Magaalada Muqdisho ayaa lacagtani ku sheegtay mid loogu talagalay mushaarka Ciidamada Somaliya ee Emirate-ka uu ku tababarayay Xerada General Gordon ee Magaalada Muqdisho.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com