Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa mar kale waxa uu maanta Aqalka Villa Somalia uu ku qaabilay Madaxweynaha cusub ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay munaasabadda xil wareejinta ee Madaxweynaha iyo weliba Xarunta Madaxtooyada.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu xafiiska la wareego 23-ka bishan May.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 15-kii bishan loo doortay xilka madaxtinimada ee dalka, isagoona noqonaya Madaxweynaha keliya ee la doorto, laba xilli doorasho.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com