Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa galabta Magaalada Muqdisho kula kulmay Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Somaliya, James Swan.
Gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo Wakiilka Qaramada Midoobey ayaa ka wada hadlay is bedelka hoggaamineed ee dalka ka dhacay iyo sidii loo horumarin lahaa hannaanka dowladnimo ee dalka.
War ka soo baxay Xafiiska Aadan Madoobe oo looga hadlay kulankan ayaa lagu yiri “Gudoomiyaha iyo Danjiraha ayaa waxay ka wada hadleen is bedelka hogaamineed ee dalka uu yeeshay iyo sidii loo horumarin lahaa hannaanka dowladnimo ee dalkenna.
Danjire James Swan ayaa Gudoomiyaha Golaha shacabka ku bogaadiyay dooraashadii sida dimoquraadiyada ahayd ee ay ku dhacday, taas noqatay mid lagu wada qanacsanaa natiijada ka soo baxday.
Gudoomiye Aadan Madoobe oo Danjiraha ku bogaadiyay taageeridda iyo garab istaaga Qaramada Midoobey iyo beesha caalamka ayaa ku tilmaamay mid muhiim u ah hannaanka geeddi-socodka ee dalka uu hiigsanaayo.”
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com