Ganacsatada Suuqa Banaadir oo eedeymo u jeediyay Dowladda Federaalka

Ganacsatada Suuqa Banaadir ee Magaalada Muqdisho ayaa ka cabanaya inaysan jirin cid u soo gurmatay, una ballanqaaday taageero maaliyadeed, 40 saacadood ka dib markii uu suuqaasi gubtay habeenkii Khamiista.

Dabka oo ka dhashay xarig koronto ayaa baabi’iyay goobo ganacsi oo ku yaala inta u dhaxeyso Isgoyska Banaadir iyo Isbitaalka Kalkaal ee Degmada Hodan.

Ugaaso Geesdheer Shaacuur oo ka mid ah ganacsatada ku hantida beeshay dabkaasi ayaa sheegtay inaanay wax garab istaag ah ka helin Maamulka Gobolka Banaadir, Dowladda Federaalka iyo shirkadaha ganacsiga ee gaarka loo leeyahay.

“Cid noo gurmatay iyo cid noo timid oo na wareysatay oo madax dowladda ka mida ama shirkadaha ka mid ah, weli maynaan arag, haddii Maamulka Gobolka Banaadir yahay iyo haddii Madaxda Dowladda Federaalka tahay nooma imaanin.” Ayay tiri Ugaaso Geesdheer Shaacuur.

Ugaaso Geesdheer ayaa tiri “Illaa iyo markii uu dabkaasi kacay wax is bedel ah oo hadal ah aan ku faraxno oo dowladda naga soo gaaray ma ay jiraan, xitaa Degmada Hodan ayaan ka tirsanahay, weli maynaan arag.”

“Wax la qiyaasi karo ma ahan, dhibkii anaga meeshaas naga soo gaaray.” Ayay tiri Ugaaso oo intaasi ku dartay “Hanti qurux badan oo aad u tiro badan oo adduun lagu faani karo ah ayaa meeshaas yiilay.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jimcihii bartiisa Facebook ku sheegay “Waxa aan xannuunka iyo dhibka la Wadaagayaa ganacsatada Soomaaliyeed ee hantidoodii ku gubatay dabkii ka kacay Isgoyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho, kuna fiday goobaha ganacsi ee u dhow. Masiibada dabku waa mid ka mid ah arrimaha nooga wada baahan maareynta, Insha’Allaahu xilligeeda iyo xalkeeda waannu gaari doonnaa.”

Suuqyada dalka ayaa waxaa ku badan dabka ka kaca goobaha ganacsiga, iyadoona uu dabku gaysto khasaare hantiyadeed oo ballaaran.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com