Gudoomiye Cabdi Xaashi oo qaabilay Safiirka Sacuudiga ee dalka

Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee dalka, Ahmed Bin Mohamed Al-Muwallad.

“Gudoomiyaha Aqalka Sare, Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi wuxuu maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya, Mudane Ahmed Bin Mohamed Al-Muwallad, oo Gudoomiyaha ugu yimid salaan sharafeed iyo hambalyo ku aaddan dib u doorashadiisa iyo sidii hufnaanta laheyd ee ay u qabsoomtay Doorashadii Guddoonka Aqalka Sare iyo tii Madaxwaynaha Jamhuuriyadda.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xafiiska Cabdi Xaashi.

Warka ayaa lagu sheegay in labada dhinac ka wada hadleen, sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal ee Somaliya iyo Sacuudiga.

“Waxaa kale oo ay ka wada hadleen, sidii ay iskaga kaashan lahaayeen kor u qaadidda xiriirka labada dal (Somaliya iyo Sacuudiga) ee walaalaha ah.” Ayaa lagu yiri warka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com