Madaxweyne Biden oo Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ugu baaqay inay kulmaan

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden oo booqasho ku maraya Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay inuu doonayo kulan fool ka fool ah inuu la yeesho Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong-un, haddii kulankaasi Madaxweyne Kim Jong-un uu ka go’an yahay.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Waqooyiga Kuuriya ay diyaar ula yihiin shixnad gargaar oo tallaalka COVID-19 ah, si ay ugula tacaasho kiisaska cudurkaasi ee dalkeeda ku sii faafaya.

Kuuriyada Waqooyi oo aan cilaaqaad la lahayn Mareykanka iyo Wadamada Midowga Yurub ayaan weli ka hadlin taageerada dhanka caafimaadka ee Mareykanka uu u muujiyay.

Dhanka kale Madaxweynaha Mareykanka ayaa maanta Magaalada Seoul kulan kula yeeshay Madaxweynaha Kuuriyada Koonfueed, Yoon Suk-yeol, kaas oo ay ka wada hadleen suurtagalnimada, haddii Kuuriyada Koonfureed la gayn karo diyaarado dheeri ah oo kuwa dagaalka Mareykanka ah.

Biden oo ka barbar hadlayay dhiggiisa Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in Mareykanku uu garab taagan yahay Xukuumadda Seoul, ayna Washington diyaar u tahay xoojinta awoodda difaaca ee Seoul ku wajihi karto Pyongyang.

“Maanta Madaxweyne Yoon iyo aniga waxaa naga go’an inaan xoojino, kana wada shaqayno ka hortagga caqabadaha ku gadaaman amniga gobolka, oo ay ku jiraan khatarta ka imaaneysa Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Kuuriyada Waqooyi. Anagoo sii xoojinayna difaaceena iyo inaan ka shaqayno, sidii aan gacanka Kuuriya uga dhigi lahayn goob Nuclear-ka ka caagan. Sida uu Madaxweynuhu horey uga hadlay kor u qaadidda xasilloonida guud ahaan marin biyoodka Taiwan iyo sidoo kale hubinta xorriyadda socdaalka ee Badda Koonfurta Shiinaha iyo wixii ka dambeeya.” Ayuu yiri Joe Biden, Madaxweynaha Mareykanka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com