Usaama Cabdinuur Saciid, Cabbdisamad Cabbdullaahi Maxamed iyo Sakariye Axmed Cabdullaahi ayaa loo haystaa ka mid ahaanshiyaha Al Shabaab.
Usaama Cabdi-Nuur Saciid iyo Cabbdisamad Cabbdullaahi Maxamed waxa ay ku wada dhasheen Burco, halka Sakariye Axmed Cabdullaahi uu ku dhashasy Hargeysa.
Saddexda dhallinyarada ah ayaa Loo daaray Muuqaal laga sameeyay Dhulka cagaaran Ee Soomaaliya, waxaana sidoo kale ay dhegeysteen Codad laga soo duubay dhalinyara Jidbaysan oo Nolosha adduunka ka doortay in Lafahooda ay Holciyaan.
U qaabilsanaha goballada Woqooyin ee Maleeshiyada Alshabaab ayaa u sheegay dhalinyarada inay Nolol wanaagsan ka jirto Howdka, waxa ayna Safar Socdaal ah ku soo mareen inta u dhexeyso Burco iyo Garowe.
Garowe oo ay diyaarad ka soo raaceen kadib waxaa laga soo dajiyay Muqdisho, haweenay magaceed Xarakigaha uu ahaa Wiillo ayaa dajisay Hotel, waxaana maalma kadib loo kaxeeyay Jilib, maalmo Nasiino ah kadib waxa ay uga sii gudbeen Bu’aale oo lagu baray tababar 90 Cisha ah Isticmaalka Qoryaha AK47-G3-BKM- F1 & PISTOL.
Intii ay tababarka ku jireen waxaa sidoo kale loo fasir xumeeyay dhowr Nas oo kamid ah Kitaabka iyo Sunnaha, waxaana loo raaciyay Oraahya laga soo guuriyay Kuwa Diinta Fasir Wareeriyay oo is gaar siiyay darajada Fatwa.
Saddexdan dhallinyarada ah ayaa sidoo kale lala soo qabtay xusuus qor ay wateen, oo ay ku diiwaangelin jireen Howlmaalmeedkooda.
Sidoo kale hay’adaha amniga ayaa Xafiiska Xeer Ilaalinta la wadaagay fariimo ay u direen Saaxiibbadooda gabdhaha ahaa, waxaana ay tiriyeen tixo samir siin ah.
Ujeedkooda ayay ku kooban in ay billow u yihiin dhallinyaro loogu talagalay in ay ka howlgalaan Goballada Woqooyi iyo dhulka Soomaali Galbeed, Ethiopia
Dhammaan dhalinyarada ayaa wada qaatay fikirka kooxda October 2021, 15-kii March Sanadkan ayaa lagu wareejiyay hogaanka baarista NISA.
Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa la wareegay Eedeysanayaasha April sanadkan, waxa ayna Codsadeen dabayaaqdii April Garsoorka ciidamada Qalabka Sida in loo Maxkamadeeyo Sedaxda Eedeysane kamid noqoshada argagixisada.
Maxkamadda ayaa fadhiyo kala duwan ka dib, ku xukuntay min 8 sano oo Xabsi Ciidan ah, sida dhinacyada Dacwadda uu u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin.
Xukunsanayaasha ayaa haysta fursad ay ku dalban karaan Rafcaan.
-Dhammaad-
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com