Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa caawa shir guddoomiyay kulan uu Golihiisa Wasiirada kula yeeshay Xarunta Madaxtooyada Jubbaland ee Magaalada Kismaayo.
Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu uu golaha uga warbixiyay safarkiisii Magaalada Muqdisho ee la xiriiray doorashada jegada madaxtinimada ee dalka, ee 15-kii bishan uu ku guuleystay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xaaladda guud ee dalka.
“Madaxweynaha Dowladda Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa shir guddoomiyay kulan aan caadi ahayn, oo ay lahaayeen Golaha Wasiirada ee Dowladda Jubbaland. Madaxweynaha ayaa golaha uga warbixiyay safarkii dhawaan uu ku tagey Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, oo uu kaga soo qaybgalay Doorashada Madaxweynaha JFS iyo xaaladda guud ee dalka.” Ayaa lagu yiri qoraalka.
Axmed Madoobe ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo, ka dib dhowr toddobaad oo uu ku sugnaa Magaalada Muqdisho.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com