Kooxo aan la garanayn oo dab qabadsiiyay guryo ku yaala Muqdisho

Laba guri oo ku yaala xaafadda Via Laberia ee Degmada Waaberi iyo mooto bajaaj ayaa goor dambe oo xalay ahayd dab la qabadsiiyay, iyadoo aan illaa iyo hadda la garanayn ciddii falkaasi gaysatay.

Dadka deegaanka oo ku argagaxay dhacdadaasi ayaa u gurmaday qoysaskii deganaa labadaasi guri, iyagoona ku guuleysatay inay baqtiiyaan dabkaasi. Ma jirto cid wax ku noqotay tallaabada lagu gubay guryahaasi.

Ismaaciil Sayid Cabdulqaadir oo ah milkiilaha mooto bajaajta la gubay ayaa sheegay inaysan garayan ciddii falkaasi kula kacday, isaga oo laamaha amniga ugu baaqay inay baaraan.

Ismaaciil Sayid ayaa sheegay in mootadaasi uu ugu shaqayn jiray qoyskiisa oo ka kooban shan iyo toban qof, noloshooduna ay ku tiirsaneyd wixii uu maalintii soo shaqeeyo.

“Al Xamdulillaah, maanta waxaa intaasi ku ekaa oo meeshaan ku basbeelay hantidii oo anaga ku ganacsan jirnay. Waxaa dab qabadsiiyay kooxo argagixiso aan dhihi karno, waa kooxo nabadiid, sida aan anaga aaminsanahay. Ma garan karno asbaabaha iyo waxyaabaha ku kalifay in anagoo iska hurdeyno ay dab nagu shidaan oo gurigii ay nagu holciyaan.” Ayuu yiri Ismaaciil Sayid oo Universaltv la hadlay.

Ismaaciil Sayid ayaa yiri “Mootada qoys dhan ayaa laga masruufi jiray, illaa shan iyo toban qof ah qiyaastii. Mootadan intaan la soo gadin ka hor waa la noollaa, hadda oo la waayay wixii ka dambeeyana waa la noollaan doonnaa.”

Ismaaciil Sayid ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay “Waxaan rajeynaynaa bedel ka khayr badan, walaalaha Muslimiinta waxaan ka codsanaynaa inay gacantooda noo taaggaan oo jeebkooda ay noo galaan.”

Hay’adaha ammaanka iyo Maamulka Degmada Waaberi ayaan ka hadlin tallaabada lagu gubay guryahaasi iyo dhugdhugleydaba.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com