Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Dalka, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta shir guddoomiyay kulan muhiim ah oo daarnaa arrimo dhowr ah oo khuseeya xilliga kala guurka.
Kulanka ayaa looga arrinsanayay u diyaargarowga xilliga kala guurka, waxqabdka xukuumadda iyo dhameystirka dokumentiyada muhiimka ah, ee lagu wareejin doono xukuumadda xigta.
Madaxweynaha cusub ee Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Isniinta berrito lagu wadaa in uu xafiiska kala wareego Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayay tahay in muddo bil ah uu ku soo magacaabo Ra’iisal Wasaarihiisa, taasoo ka bilaabanaysa xilligii la doortay.
Xukuumadda Xilgaarsiinta ee Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa howlaha dalka sii wadi doonto, illaa iyo inta laga soo dhisayo xukuumadda cusub ee bedelaysa.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com