Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho ku joogga Magaalada Abu Dhabi ayaa la kulmay Madaxweynaha Emirate-ka Carabta, Mohamed bin Zayed Al Nahyan.
Kulanka oo ka dhacay guriga Madaxwaynaha ayay labada masuul uga wada hadleen iskaashiga labada dal iyo sidii Dowladda Emirate-ku u xoojin lahayd taageerada ay siiso Somaliya.
Ra’iisal Wasaare Rooble oo Khamiistii gaaray Abu Dhabi ayaa madaxda ugu sarreysa dalkaasi la lahaa kulamo diiradda lagu saarayay xoojinta iskaashiga iyo xiriirka walaalnimo ee labada dal ee walaalaha ah.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com