Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegto uu soo saaray waxaa uu Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cismaan ugu magacaabay xilka Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey Agaasime Ku-xigeenka Cusub in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isagoona kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego Qaranka.
Maxamed Amiin Sheekh Cismaan waa aqoonyahan labo shahaado ka haysta heerka 2aad ee jamaacadda, isaga oo ku takhasusay Horumarinta Dhaqaalaha, Maareynta Nabadda iyo Aammaanka Afrika. Waxa uu hore u soo noqday Sanatar ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS iyo Guddoomiyaha Guddiga Difaaca iyo Amniga ee Golaha Aqalka Sare, sidoo kale waxa uu soo noqday Safiir Ku-xigeenka safaaradda aynu ku leennahay dalka Kenya.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com