Ra’iisal Wasaare Rooble oo Muqdisho ku soo laabtay (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, ka dib socdaal 4 cisho qaatay oo uu ku tagay dalka Emirate-ka Carabta, halkaas oo uu uga qaybgalay tacsida madaxweynihii geeriyooday ee dalkaasi, Sheikh Khalifa Bin Zayid.

Ra’iisal Wasaare Rooble intii uu joogay dalkaasi, waxa uu magaalada Abu Dhabi kula kulmay madaxweynaha Imaaraadka Sheikh Maxamed Bin Zayid oo uu uga tacsiyeeyay geerida madaxweynihii hore Sheikh Khalifa, sidoo kalena u rajeeyay in uu Eebbe ku guuleeyo mas’uuliyadda loo doortay ee hoggaaminta dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa Sheikh Maxamed Bin Zayid gaarsiiyay dhambaal tacsi, salaan iyo hambalyo ah oo uu uga siday madaxweynaha dalka Xasan Sheikh Maxamuud.

Waxa uu Ra’iisal Wasaaruhu uga mahadceliyay dowladda dalkaasi, sida ay u garab istaagtay Somaliya xilliyadii adkaa, gaar ahaan gurmadkii ay la soo gaartay dadka Soomaaliyeed ee abaarta ba’ani hayso.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com