Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqasho ugu tagey Madaxweynaha cusub ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa Madaxweynaha ku booqday Xafiiskiisa Villa Somalia, waana saacado uun ka dib, markii Madaxweyuhu uu xafiiska la wareegay.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa Madaxweynaha Qaranka warbixin ka siiyay socdaalkii uu ku tegay dalka Emirate-ka Carabta iyo habsami u socodka howlaha xukuumadda, sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay bogga Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.
“Ra’iisal Wasaaraha XFS, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqasho ugu tagey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya, Mudane Xasan Sheikh Maxamuud oo maanta xafiiska la wareegay, isagoo warbixin ka siiyay socdaalkii uu ku tagay dalka Imaaraadka Carabta iyo habsami u socodka howlaha xukuumadda.”
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com