Xuseen Macalin oo loo magacaabay inuu noqdo La taliyaha Amniga Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xuseen Macalin Maxamuud u magacaabay inuu noqdo La taliyaha Amniga Qaranka.

Xuseen Macalin Maxamuud ayaa horey u soo noqday La taliyihii Amniga ee Madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xuseen Macalin Maxamuud ayaa bedelaya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, oo tan iyo bishii September ku magacawnaa La taliyaha Amniga Qaranka.

Xuseen Macalin ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray qoraal u qornaa “Suumanka hala dhuuqsado, waxaa bilaabanaysa shaqo xoogan oo dalka lagu badbaadinaayo. Waana shaqo uu Ilaahay raalli ka noqon doono.”

Xuseen Macalin ayaa hadda ahaa Madaxa Machadka Hiraal ee fadhigiisu yahay Magaalada Muqdisho, kana faallooda arrimaha amniga.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com