Gudoomiyaha Degmada Baraawe oo mooshin laga gudbiyay

Xubnaha Golaha Deegaanka ee Degmada Baraawe ayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Koonfur Galbeed u gudbiyay mooshin ka dhan ah Gudoomiyaha Degmada Baraawe, Liibaan Abuukar Cismaan (Baafo), ka dib markii ay ku eedeeyeen wada shaqayn la’aan.

Mooshinka ayaa lagu sheegay inaanu Gudoomiyuhu soo xaadirin kulamada Golaha Deegaanka ee degmada, isla-markaana uu ku shaqeeyo hoygiisa.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa lagu eedeeyay inaanu xitaa wax wada shaqayn ah la lahayn Gudoomiye Kuxigeenkiisa 1aad, Ismaaciil Cabdullaahi Jaadane.

Cumar Sheekh Cabdi oo ka mid ah Xubnaha Golaha Deegaanka ee mooshinka gudbiyay ayaa yiri “Gudoomiyaha gurigiisa maba ka soo baxo, gurigiisa ayuu ku shaqeystaa, markii mashruuc jiro cid lama wadaago, cid uu la tashto haba yaraatee ma jirto.”

Cumar Sheekh ayaa intaasi ku daray “Xildhibaanada Golaha Deegaanka waxay ka kooban yihiin 27 xubnood, in badan oo ka mid ah ayaa go’aansaday inay mooshinkaasi ka gudbiyaan Gudoomiyaha.”

Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya in maalmihii ugu dambeysay ay degmadaasi ka taagneyd khilaafka soo kala dhexgalay Gudoomiyaha iyo Xubnaha Golaha Deegaanka, qaarkood.

Gudoomiye Baafo ayaa xilka la doortay 10-kii bishii November ee sanadkii hore, ka dib doorasho ka dhacday degmadaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com