Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta shahaado sharaf guddoonsiiyay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Qalabka Sida ee Dowladda Federaalka iyo kuwa Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS.
Gudoomiyaha oo ay wehliyaan Labadiisa Kuxigeen ayaa shahaadada guddoonsiiyay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Qaranka, Korneyl Xasan Dhicisow, Taliyaha Ciidanka Baarlamaanka, Korneyl Daahir Sheekh Axmed, Saraakiil sare oo qayb weyn ka qaatay sugidda amniga ee doorashooyinkii dalka iyo Taliyaha Qaybta 1aad (Sector 1) ee Ciidanka ATMIS, General Keith Katungi.
Saraakiishan ayaa soo dhaweeyay tallaabada uu Gudoomiyuhu ku guddoonsiiyay shahaado sharafta, si ugu yaraan loogu muujiyo doorkoodii muhiimka ahaa ee sugidda amniga ee doorashada.
Aadan Madoobe ayaa dhankiisa Saraakiishan ku ammaanay in door muhiim ah ka qaateen ilaalinta iyo sugidda amniga ee doorashadii dhawaan lagu soo geba-gabeeyay Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho, ayna maanta shahaado sharaftaasi ku muteysteen dadaalkii dheeraa, ee ay geliyeen howlihii sugidda ee amniga doorashadaasi.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com