Madaxweyne Qoorqoor oo kormeeray Talisyada Ciidamada (SAWIRRO)

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa maanta kormeeray Xarumaha Talisyada Ciidamada Qalabka Sida ee Magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweynaha ayaa ciidamada ku ammaanay, sida ay isaga caabiyeen Xoogagii Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe ee 13-kii bishan soo weeraray Magaalada Dhuusamareeb iyo guulaha ay ka gaareen hawlgaladii ka dambeeyay, ee ay ku xasillinayeen amniga magaalada iyo deegaanada dhow dhowba.

Madaxweynaha ayaa ciidamada ku dhiirigeiyay inay joogteeyaan hawlgalada ay ku xaqiijinayaan amniga magaalada iyo deegaanada ka baxsanba.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa waxaa kormeerkan ku wehlinayay qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirada, Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud, Duqa Dhuusamareeb iyo Saraakiisha Ciidamada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com