Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa baabi’iyay warqad Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay ku fasaxday markab waday dhuxul sharci darro ah oo ku xernaa xeebaha dalka Cumaan.
Ra’iisal wasaare Rooble ayaa sidoo kale shaqada ka joojiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Cabdisaciid Muuse Cali.
Warqad ka soo baxday Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa lagu faray Hantidhowraha Qaranka iyo laamaha amniga inay baaritaan ku sameeyaan falkan iyo sida uu u dhacayba.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com