Ergeyga Gaarka ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada iyo gurmadka abaaraha ee Somaliya, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa la kulmay Guddiga Gurmadka Abaaraha.
Guddiga Gurmadka Abaaraha ayaa soo bandhigay xogaha la xariira abaaraha iyo saamaynta ay ku yeesheen guud ahaan dalka.
Ugu dambayn, Ergeyga Gaarka ee Madaxweynaha u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada iyo gurmadka abaaraha ee dalka ayaa u mahadceliyay guddiga, isagoo u sheegay in ay wada shaqayn buuxda yeelan doonaan, si dalka looga samata-bixiyo abaaraha.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com