Madaxweynaha Somaliya oo teleefanka kula hadlay Antony Blinken

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta khadka teleefanka kula hadlay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken, isagoona kaga mahadceliyay taageerada Mareykanka ee Somaliya.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta khadka taleefanka kula hadlay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken. Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Dowladda Mareykanka taageerada joogtada ah, ee ay la garab taagan tahay Somaliya.” Ayaa lagu sheegay qoraal lagu daabacay bogga Villa Somalia ee Twitter-ka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu uu ku celiyay, sida ay dowladdiisa uga go’an tahay xoojinta xiriirka kala dhaxeeya Mareykanka.

“Waxa uu sidoo kale Madaxweynuhu ku celiyay, sida ay dowladdiisa uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka kala dhaxeeya Mareykanka.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa bartamihii bishan saxiixay amar boqolaal ka mid ah ciidamada gaarka ee Mareykanka dib loogu celinayo Somaliya, si gacan uga gaystaan la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab.

Ciidamada Mareykanka oo gaarayay 700 oo askari ayaa dalka laga saaray maalmihii ugu dambeysay ee xilka uu ka degayay Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com