Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Ergeyga Midowga Yurub ee Geeska Afrika (SAWIRRO)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada dalka kulan kula qaatay wafdi ay hoggaamineyso Ergeyga Gaarka ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika, Marwo Annette Weber oo ay wehlineysay Safiirka Midowga Yurub ee dalka, Marwo Tiina Intelmann.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Annette Weber ayaa ka wada hadlay dib u soo celinta taageerada Midowga Yurub ee Somaliya, iyadoo soo bandhigtay sida ay uga go’an tahay Midowga Yurub garab istaagga siyaasadda iyo qorsheyaasha horumarineed ee Madaxweynaha cusub ee dalka.

Madaxweynaha iyo Annette Weber ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya Midowga Yurub iyo Somaliya. Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee Midowga Yurub ay la garab taagan yihiin Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in la sii amba-qaadi doono, lana horumarinayo qorsheyaasha dib u habeynta hannaanka maaliyadeed ee dalka, si loo dhameystiro dhammaan shuruudaha ku xeeran arrimaha dayn-cafinta ee dalka.

Annette Weber ayaa ah masuulkii ugu sarreyay ee ka socda Midowga Yurub ee qaabilsan Geeska Afrika, soona gaara dalka dhawaanahan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com