Madaxweynaha oo Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Emirate-ka Carabta ee dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada dalka kula kulmay Danjiraha Dowladda Emirate-ka Carabta ee Somaliya, Maxamed Axmed Al Cusmaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Dowladda Emirate-ka Carabta iyo Danjire Maxamed Al Cusmaan uga mahadceliyay garab istaagga ay u muujiyeen shacabka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen abaaraha, gaar ahaan deeqda lacageed ay maanta ku wareejiyeen Dowladda Federaalka Somaliya, taas oo gaareysay 9.6 milyan oo dollar.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Dowladda Somaliya ay u xil saartay Ergey Gaar ah oo qaabilsan Arrimaha Gurmadka Abaaraha, taas oo ka turjumeysa sida ay uga go’an tahay dowladda xaqiijinta hannaan daahfuran oo deeqaha caalamiga ah lagu gaarsiinayo dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu halakeeyeen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Beesha Caalamka ugu baaqay in ay taageero buuxda u fidiyaan shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed oo xilligan la halgamaya daruufo adag oo ay sababeen is bedelka cimilada. Waxa uuna Alle uga baryay ummadda Soomaaliyeed in uu ka dulqaado dhibaatooyinka abaaraha.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com