Mahad Salaad oo loo magacaabay Agaasimaha Hay’adda NISA

Golaha Wasiirada Somaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ayaa ansixiyay magacaabista Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) oo loo magacaabay Mahad Maxamed Salaad.

Golaha Wasiirada ayaa lahaa soo jeedinta magacaabidda Agaasimaha cusub, iyadoona uu saxiixa meelmarintiisu leeyahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Mahad Maxamed Salaad oo ah Xildhibaan Golaha Shacabka ka tirsan ayaa buuxinaya booskii laga eryay Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, booskaas oo tan iyo bishii September uu si ku-meel-gaar ah u sii maamulayay Yaasiin Cabdullaahi Maxamed (Yaasiin Farey).

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com