Dhaqaalaha uu Emirate-ka ku deeqay oo lagu shubay Bankiga Dhexe (SAWIRRO)

Safiirka Emirate-ka Carabta ee Somaliya, Mohamed Ahmed Al-Othman ayaa maanta lacag dhan 9.6 milyan oo dollar ku wareejiyay xukuumadda, iyadoona lacagtan uu Emirate-ka kaga qayb qaadanayo gurmadka abaaraha ee dalka ka jira.

Wasiirada Maaliyadda, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Xanaanada Xoolaha, Maxamed Aadan Macalin (Maxamed Soomaali) ayaa deeqdan lacageed ku guddoomay Xarunta Baanka Dhexe ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in lacagtan lagu shubay Bankiga Dhexe Somaliya, si waafaqsan sharciga maaliyadda dalka, loona isticmaali doono arrimaha gargaarka.

Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo kulankaasi goobjoog ka ahaa ayaa Dowladda Emirate-ka Carabta uga mahadceliyay kaalintooda ku aaddan gurmadka shacabka Soomaaliyeed.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com