Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka oo xilka la wareegay (SAWIRRO)

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka, Xuseen Sheekh Maxamuud iyo Kuxigeenkiisa Maxamed Amiin Sheekh Cismaan oo dhawaan Madaxweynaha Jamhuuriyaddu u magacaabay xilkaas ayaa munaasabad ka dhacday Villa Somlia xilka kagala wareegay Agaasimihii hore Madaxtooyada, Maxamed Cabdullaahi Ciise iyo Kuxigeenadiisa Cabdinuur Maxamed Axmed iyo Cabdullaahi Sheekh Cabdikariin Daddoon.

Agaasimihii hore ee Madaxtooyada, Maxamed Cabdullaahi Ciise ayaa tilmaamay in Agaasimaha cusub ay ku wareejiyeen dayn lagu leeyahay Madaxtooyada, galal ay ku qoran yihiin hantida ma guurtada ah, howlwadeenada iyo hannaanka shaqo ee Madaxtooyada Qaranka, waxa uuna Madaxda cusub Eebbe uga baryay in uu u fududeeyo gudashada masuuliyadda qaran ee loo igmaday.

Dhankiisa, Agaasime Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa soo bandhigay qorsheyaasha ku aaddan horumarinta howlaha hortabinta u leh Madaxtooyada dalka, isaga oo uga mahadceliyay Agaasime Maxamed Cabdullaahi Ciise shaqadii wanaagsaneyd ee uu ka soo qabtay Madaxtooyada, muddadii uu hayay xilkaasi.

Ugu dambayn, Xuseen Sheekh Maxamuud, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada ayaa hoosta ka xarriiqay in aan qofna lagu dulmin doonin shaqada, waxa uuna xusay in howlwadeenadu ay abaalmarinno ku muteysan doonaan dadaalkooda. Munaasabadda xil wareejinta waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiin ka socday Xafiiska Hanti-dhowraha Guud ee dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com