Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo la kulmay Wakiilka Qaramada Midoobey ee dalka

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Somaliya u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kulan la qaatay Wakiilka Qaramada Midoobey ee dalka, James Swan iyo Isku-duwaha Xafiiska Gargaarka Bani’aadanimada ee UNSOM, Adam Abdelmoula.

Kulanka ayaa looga hadlay, sidii la iskaga kaashan lahaa caawinta malaayiinta Soomaaliyeed ee hadda waajahaya xaaladda abaaraha iyo sidii loo gaarsiin lahaa gurmadka ay u baahan yihiin.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay inay isla qireen in xadiga abaaruhu ay aad u ballaaran yihiin, mudnaanta koobaadna ay noqoto gargaarka dadka ay abaaruhu saameeyeen, inta aanay u gudbin heer macluul.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com