Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Somaliya u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maanta arrimo shaqo oo la xiriira xaaladda Gurmadka Abaaraha ee dalka ku tegay Xarunta Wasaaradda Qorsheynta ee Magaalada Muqdisho.
Kulankan oo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Qorshaynta Qaranka, Jamaal Maxamed Xasan iyo dhammaan Agaasimeyaasha Wasaaradda ayaa looga hadlay abaaraha, xaaladdaha bani’aadanimo ee uu dalka wajahayo iyo sidii looga hortaggi lahaa inta aysan isku bedelin heer macluul.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Wasiirka ayaa is barbardhigay qoraalo, iyaga oo sidoo kale ka doodday dhowr mowduuc oo la xiriira arrimaha xalka waara iyo ka qaybgalka deeq-bixiyayaasha.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Wasiir Jamaal ayaa isla qaadaa dhigay istiraatiijooyin jiray oo ay ku jiraan DINA, RRF iyo istiraatiijiyadda xalka waara, oo in muddo ah ay wasaaraddu soo waday.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com