Larry André oo ka hadlay sababta Ciidamada Mareykanka loogu soo celinayo dalka

Safiirka Mareykanka ee Somaliya, Larry André ayaa si kooban uga hadlay sababta ka dambeysa in Ciidamada Mareykanka dib loogu soo celiyo Somaliya, iyadoo la fulinayo amarkii Madaxweyne Joe Biden.

Safiirka ayaa muujiyay inay lagama maarmaan u arkaan in ay iskaashi la yeeshaan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS, ee Somaliya ka caawinaya la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab.

“Waa in iskaashi lala sameeyo Ciidamada Somaliya iyo Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika. Militariga Mareykanka iyo Hoggaanka Somaliya ayaana ka wada hadlaya, sidii taasi loo fulin lahaa.” Ayaa yiri Safiirku.

Safiirka ayaa sheegay inaanu faah faahin badan ka bixin karin amarka Madaxweyne Biden, ee ah in boqolaal ka mid ah ciidamada gaarka ee Mareykanka dib loogu soo celiyo Somaliya, sababo ku aaddan iyadoo weli ay socdaan wada hadalada la xiriira qorshaha dib u soo celinta ciidamadaasi ee dalka.

“Weli waa laga shaqeynayaa wada hadalada lala leeyahay masuuliyiinta Soomaalida, laakiin waad xustay tababarka ayaa ah qayb muhiim ah oo ka mida howsha iyo in la taageero tallaabooyin guluf ah oo ay qaadaan Ciidamada Somaliya iyo kuwa Midowga Afrika, si looga xoreeyo Soomaalida ku hoos nool cadaadiska kooxda argagixisada ah.” Ayuu yiri Safiirka.

Larry André, Safiirka Mareykanka ee dalka ayaa hadafka Washington ee Somaliya waxa uu ku sheegay “Waa in amniga Mareykanka iyo kan Somaliya la sii xoojiyo, taasi oo macnaheedu yahay kordhinta wada shaqaynta amniga ee Ciidamada Somaliya iyo saaxiibada caalamiga, in Ciidamada Somaliya laga caawiyo inay Somaliya ka difaacaan weerarada argagixisada iyo dembiyada gacan ka hadalka wata, loogana sii gudbo wax ka qabashada baahida dhinaca bani’aadanimada ee Somaliya. Waxaa socda qalalaase taariikhi ah, hadafkeenu waa in la taageeraa soo kabasho iyo kobac loo wada dhan yahay, taasi oo ka dhigan in la bixiyo taageero naf badbaadin ah, iyadoo dhinaca kale la dhisayo awoodda dib u soo kabashada.”

Safiirka ayaa warkan ku sheegay wareysi dhinacyo badan taabanaya, oo uu siiyay Laanta afka Somaliga ee VOA.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com