Qarax ka dhacay goob ay fariistaan Ciidamada Dowladda

Ugu yaraan saddex askari ayaa ku dhimatay, mid kalena wuu ku dhaawacmay, ka dib markii galabta uu qarax ka dhacay maqaaxi ay fariistaan Ciidamada Dowladda.

Maqaaxidan ayaa ku taala deegaanka Ambareeso oo 5km u jirta Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose, waxayna maqaaxidaasi dacalka ku haysaa kontoroolka Ambareeso.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa miinada nooca dhuka lagu aaso ee meelaha fog-fog laga hago.

Askarta ku dhimatay qaraxaasi ayaa ka tirsanaa Ururka 25aad, Guutada 6aad ee Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee ku sugan kontoroolka Ambareeso ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan qaraxaasi, sababo ku aaddan iyaga oo aan amar u haysan.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxan, waxaase si dhow loola xiriirinayaa maleeshiyada Ururka Al Shabaab.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com