Ina Warsame oo Safiirada Qatar & Sacuudiga kala hadlay arrimaha abaaraha (SAWIRRO)

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Somaliya u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maanta siyaabooyin kala duwan ula kulmay Safiirada Sacuudiga iyo Qatar ee dalka u joogga, isagoona kala hadlay abaaraha dalka ka jira iyo sidii ay gacan uga gaysan lahaayeen.

War ka soo baxay Xafiiska Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa lagu sheegay in Safiirka Qatar, Hassan bin Hamza uu muujiyay, sida ay dowladdiisa ugu go’an tahay, garab istaagga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isaga oo Ergeyga u ballanqaaday wada shaqayn buuxda, si loo samata-bixiyo malaayiinta qof ee abaaruhu saameeyeen.

Sidoo kale Ergeyga ayaa Safiirka Sacuudiga, Ahmed bin Mohamed Al-Muwallad ka dalbaday, sidii Dowladda Sacuudigu u noqon laheyd hoggaanka gurmad lagu taakuleynayo dadka Soomaaliyeed, ee ay abaaruhu halakeeyeen.

Safiirka ayaa waxaa kulankan ku wehlinayay, Yuusuf Bakhiit, Madaxa Hay’adda King Salman oo Sacuudiga u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada ee Afrika.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com