Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy ayaa booqashadiisii ugu horeysay ku tegay magaalada labaad ee dalkaasi ugu weyn ee Kharkiv, waana safarkiisii ugu horreeyay ee ka baxsan Caasimadda Kiev, tan iyo markii uu duulaanka Ruushka bilowday, 24-kii bishii February ee sanadkan.
Madaxweynaha ayaa casir liqii galabta soo muuqday isagoo kormeeraya burburka magaalada, xilli uu xiran yahay jaakadda aanay rasaastu karin.
Madaxweynaha ayaa shaqada ka eryay Taliyihii Nabad Sugidda ee Kharkiv, Roman Dudin, kaas oo uu ku eedeeyay inaanu difaacin magaalada.
Madaxweynaha oo askarta la hadlayay ayaa yiri “Waxaan rabaa inaan mid walba uga mahadceliyo shaqadiisa.”
Jug is xigxigtay ayaa laga maqlay magaalada, ka dib booqashadii Madaxweyne Zelensky, sida ay ku warantay Warbaahinta dalkaasi.
Magaalada ayaa waxaa ka muuqanaya burbur xoog leh oo ka soo gaaray duqaymihii xooganaa ee Ruushka.
Xafiiska Madaxweyne Zelensky ayaa muuqaal uu soo dhigay Telegram ku soo qoray “2,229 dhisme ayaa ku burburay Magaalada Kharkiv iyo gobolka, waxaanu dib u soo celin doonnaa, una dhisi doonnaa magaalada, nolosha ayaana soo celin doonnaa.”
Volodymyr Zelenskyy, Madaxweynaha Ukraine ayaa qoraal uu goor dambe soo saaray waxaa uu ku sheegay inay la dagaalami doonaan Ruushka, illaa midkooda ugu dambeeya.
“Waxay ahayd inay waqti hore fahmaan inaan dhulkeena difaaci doono illaa qofkeena ugu dambeeya, wax fursad ah ma haystaan, waan dagaalami doonnaa, waana hubaal inaan guuleysan doono.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com