Marxuum Shirwac oo lagu aasay Khabuuraha Barakaat ee Magaalada Muqdisho

Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdullaahi Maxamed Shirwac ayaa maanta lagu aasay Khabuuraha Barakaat ee Magaalada Muqdisho.

Marxuumka ayaa xalay ku geeriyooday isbitaal ku yaala Magaalada Muqdisho, ka dib markii uu si kedis ah xanuun ugu soo booday.

Madaxweynaha Somaliya, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Gudoomiyaha Aqalka Sare, masuuliyiin iyo dadweyne kale ayaa Masjidka Isbahaysiga Salaadda Janaasada kula tukaday Marxuum Cabdullaahi Maxamed Shirwac. Waxa ay Alle uga baryeen in uu Jannadii Firdows ugu deeqo Shirwac, oo ka mid ahaa dadkii sida weyn uga soo shaqeeyay nabadeynta dalka iyo u adeegidda bulshada xilliyadii adkaa ee dalku soo maray.

Prof. Shirwac ayaa muddo ka badan 30 sano ka soo shaqeeyay horumarinta xuquuqul insaanka iyo howlaha nabadaynta ee dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com