Ra’iisal Wasaare Rooble oo kala diray Guddiyadii Doorashooyinka

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Maxamed Xuseen Rooble ayaa kala diray Guddiyadii Doorashooyinka, ka dib markii ay waajibaadkoodii guteen.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa Guddiyada Doorashooyinka kaga mahadceliyay, sidii wanaagsaneyd ee ay u maamuleen doorashadii dalka.

Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka ayaa habeenkii Khamiista lagu abaalmariyay munaasabad ka dhacday Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xubnahaasi ku bogaadiyay shaqadii wanaagsaneyd ee ay dalka kaga soo gudbiyeen marxaladdii doorashada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com