Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Qaranka, Cabdulqaadir Cali Dige ayaa munaasabad ka dhacday Villa Somaliya xilka kagala wareegay Agaasimihii hore ee Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada, Cabdirishiid Maxamed Xaashi.
Agaasimihii hore ee Warfaafinta Madaxtooyada ayaa ka warbixiyay shaqooyinka muhiimka ah ee waaxdu ay u qabato Qaranka Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ka mid tahay haqabtirka baahiyaha xogeed ee shacabka Soomaaliyeed ee dhanka dowladda, waxa uuna Eebbe uga baryay Agaasimaha cusub in uu u fududeeyo gudashada masuuliyadda qaran ee loo igmaday.
Dhankiisa, Agaasime Cabdulqaadir Cali Dige ayaa soo bandhigay qorsheyaasha ku aaddan horumarinta Warfaafinta iyo Xiriirika Warbaahinta Madaxtooyada, isaga oo uga mahadceliyay Agaasime Cabdirishiid Maxamed Xaashi shaqadii uu ka soo qabtay Madaxtooyada muddadii uu hayay xilkaas.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com