Muxudiin Warbac oo loo magacaabay Taliyaha Nabad Sugidda Gobolka Banaadir

Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad ayaa Muxudiin Warbac Shadoor u magacaabay inuu noqdo Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda ee Gobolka Banaadir.

Muxudiin Warbac Shadoor ayaa ah Sarkaal muddo dheer ka tirsanaa Hay’adda NISA, lehna khibrad dheer oo dhinaca amniga ah.

Warbac ayaa bedelaya Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Yaasiin Farey), oo horey ugu magacawnaa xilkan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com