Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ku wajahan Baydhabo

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqashadiisii ugu horreysay ku taggi doono Magaalada Baydhabo, tan iyo intii dib loogu soo doortay xilka madaxtinimada ee dalka.

Baydhabo waxaa shalay gaaray wafdi horudhac u ah midka Madaxweynaha, oo uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka, Xuseen Sheekh Maxamuud.

Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in dadka deegaanka ay si weyn isugu diyaariyeen soo dhaweynta wafdiga Madaxweynaha, waxaana wadooyinka qaar ee magaalada lagu dhejiyay sawirrada Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa Baydhabo kulamo kula leh Maamulka Koonfur Galbeed, Odayaasha Dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaana suurtagal ah in booqashadiisa ay dhowr cisho qaadato.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay magaaladaasi waxa uu xarigga ka jari doonnaa dhismo cusub oo lagu soo kordhiyay Madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee magaaladaasi ayaa imaaneysa, maalmo uun ka hor munaasabadda caleemo saarkiisa.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com