Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddiga Amniga ee munaasabadda caleema saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, oo dhawaan lagu qaban doono Magaalada Muqdisho.
Guddigan oo toddobo xubnood ka kooban ayaa Gudoomiye looga dhigay Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Maxamed Nuur.
Warqad ka soo baxday Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa Xubnaha Guddiga lagu faray inay waajibaadkooda shaqo u gutaan si hufan, ayna adkeeyaan amniga guud dalka, gaar ahaan amniga munaasabadda caleema saarka Madaxweynaha.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com