Rooble oo xarigga ka jaray Dugsiga Hoose/dhexe ee Agoonta Booliska (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xarigga ka jaray Dugsiga Hoose/dhexe ee Agoonta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo dhawaan loo dhisay qaab casri ah.

Agoonta Booliska Soomaaliyeed ee ay ka dhinteen askartii naftooda u huray qaranka ayaa horey wax ugu baran jiray dhisme ka sameysan jiinkad oo wax yeelo u gaysanayay xilliyada kuleylaha,

Ra’iisal Wasaare Rooble oo booqasho ku tegay Xarunta Agoonta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed 24 kii bishii Janaayo ee sanadkii 2021 oo ka damqaday goobta ay wax ku baranayaan ayaa amray in iskuulka loo bedelo mid u khalma ilmo ay ka dhinteen muwaadiniinta naftooda u huray qarankan.

Iskuulkan oo loo dhisay si heer sare ah ayaa leh adeegyada muhiimka ah ee waxbarashada. Ra’iisal Wasaaruhu oo kormeeeray qaybaha uu ka kooban yahay dhismaha iskuulka ayaa faray Wasaaradda Waxbarashada in ay u joogteyso adeegyada uu u baahan yahay.

Ra’iisal Wasaaraha Rooble ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay ka go’an tahay ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta naftooda u huray difaaca dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com