Saxafiyiin xarig iyo jirdil loogu gaystay Degmada Baraawe

Ciidanka Booliska Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa caawa jirdil iyo xarigba u gaystay laba ka mid ah Saxafiyiinta ka hawlgasha degmadaasi.

Booliska ayaa xabsiga dhigay Wariye Cismaan Aweys Baxar, oo ah Wariyaha Universaltv ee Baraawe ahna Agaasimaha Radio Baraawe iyo Fu’aad Shooble oo ka mid ah Maamulka Radio Baraawe.

Wariye-yaasha oo shaqadooda ku guda jira ayaa lagu weeraray Xarunta Idaacadda Baraawe, iyadoo aan illaa iyo hadda la garanayn ujeedada ka dambeysa xarigooda.

Maamulka Degmada Baraawe iyo Saraakiisha Booliska ayaan weli ka hadlin sababta keentay jirdlka iyo xarigga lagula kacay Wariye-yaashaasi.

12-kii bishii ina dhaaftay ee May ayay ahayd, markii Booliska Galmudug ay Magaalada Guriceel ku dileen Wariye Saciid Cismaan Gabeyre, oo ka mid ahaa Wariye-yaasha ka hawlgala Gobolada Dhexe.

Somaliya waxaa lagu tilmaamaa mid ka mida dalalka ugu halista dunida ee Saxafi uu ka hawlgalo, bacdamaa Wariye-yaasha loogu gaysto xagudubyo isugu jira dil, dhaawac, jirdil, xarig iyo baqdin-gelin joogto ah.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com