Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage ayaa kormeeray Xerada Ciidanka Xoogga Dalka ku leeyihiin deegaanka Goof-gaduud Buurey ee duleedka Magaalada Baydhabo Gobolka Baay.
Ururka 45aad, Guutada 8aad ee Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa fariisin ku leh xeradan, oo ay ku soo noqnoqdeen weerarada maleeshiyada Al Shabaab.
Taliyaha oo la hadlay ciidamada halkaasi degan ayaa ku ammaanay shaqada adag ee ay qaranka u hayaan, isagoona faray inay dardargeliyaan hawlgalada ka dhanka ah kooxaha mintidiinta.
General Odawaa ayaa Magaalada Baydhabo iyo deegaanada hoos-tagga u joogga xaqiijinta hawlgalada lagu sugayo amniga wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ku sugan magaaladaasi.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com