Toogasho wadareed ka dhacday isbitaal ku yaala Mareykanka

Nin ku hubeysnaa qori iyo bastoolad ayaa toogasho ka gaystay isbitaal ku yaala Magaalada Tulsa ee Gobolka Oklahoma, gelinkii dambe ee Arbacadii.

Booliska ayaa sheegay in toogashada oo ka dhacday Isbitaalka St. Francis uu ninkaasi ku dilay afar qof, tiro kalena uu ku dhaawacay.

Taliye Kuxigeenka Booliska ee Magaalada Tulsa, Eric Dalgleish ayaa sheegay in ninkaasi uu toogashada gaystay, markii uu gudaha u galay dhismaha isbitaalkaasi.

Sida uu boolisku sheegay ninkaasi ayaa isna geeriyooday, waxaana loo maleynayaa in uu gacantiisa isku toogtay.

Duqa Magaalada Tulsa, G.T. Bynum ayaa maamulka iyo shaqaalaha isbitaalkan ku ammaanay inay qabteen shaqadii ugu weyneyd, xilligii COVID-19 uu faraha kulul ku hayay.

“Geesiyaal ayaa halkan ka shaqayn jiray maalin walba, si ay u badbaadiyaan nolosha dadka deegaanka. Dhowrkii sano ee la soo dhaafay oo keliya oo ay jireen xasaradihii ugu waaweynaa ee dhinaca caafimaadka ay magaaladani ebid la kulanto, xaruntan ayaa ahayd midda qabatay shaqadii ugu badneyd ee lagu badbaadinayo nolosha dadka ku dhaqan magaaladan.” Ayuu yiri Duqa Tulsa.

18-kii bishii hore ee May, nin hubeysnaa ayaa 21 qof oo 19 ka mida ay carruur yihiin ku laayay iskuul ku yaala magaalada yar ee Uvalde ee Gobolka Texas.

Joe Biden, Madaxweynaha Mareykanka ayaa dadkiisa ugu baaqay inay codkooda kor u qaadaan, si looga hortaggo amaba loo yareeyo dhibaatooyinka la xiriira toogasho wadareedyada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com