Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay munaasabad soo dhaweyn ah loogu sameeyay Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb.
Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda soo dhaweynta, oo ay ku maamuuseen madaxda iyo bulshada Galmudug ayaa ka warbixiyay mudnaanta uu siinayo daadejinta adeegyada dowladda, adkeynta dimoqraadiyadda dalka iyo dib-u-heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa sheegay in caqabadda ugu weyn ee dib u dhigtay nolasha shacabka Soomaaliyeed ay tahay amni darrada iyo falalka arxan darrada ee maleeshiyada Al Shabaab, isagoo soo bandhigay sida shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooduba ay maanta ugu taagan yihiin in ay wadajir uga xorreeyaan dalka.
“Muwaadinka Soomaaliyeed caawa gurigiisa in uu nabad ku gam’o ayaan rabnaa, marka uu safrayo oo uu waddada marayo goormaa miino kula qarxeysaa in aanu is dhihin baan rabnaa, saaka hooyo waa baxdaye, nabad maku soo noqoneysaa carruurtu in aysan is dhihin baan rabnaa.”
Madaxweynaha waxa uu hoosta ka xarriiqay in dowladdu bilaabi doonto guluf ka dhan ah Al Shabaab, si dadka Soomaaliyeed looga xorreeyo, sidaas daraaadeed waxa uu Galmudug ugu baaqay in ay hormuud ka noqoto qorshahaasi.
“Waxaan rabnaa Galmudug in ay bilowdo mashruuca nabadiidka la isaga xorreynayo, ka dibna dadka kale ay ku daydaan.”
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula dardaarmay madaxda iyo bulshada reer Galmudug in ay ka digtoonaadaan khilaafaadka, quluubtana isu furaan oo ay gacmaha is-qabsadaan, si ay horumar buuxa uga hirgeliyaan deegaankooda, nolol wanaagsanna ugu abuuraan ubadkooda.
“Walaalihii iyo saaxiibadii ay wax ku soo kala gaareen waddadii la soo maray, waxaan leeyahay cayaarta wey soo dhammaatay, caadi iska dhiga. Haddii ay dadku dhihi jireen, bas-ku waa buuxaa, meel laga fuulo ma leh, tareen aan dhammaaneyn baa taagan, aan tareenka wada raacno, nabadda iyo aayahana aan aadno.”
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com