Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa maanta weerar dhinaca cirka ah ka fuliyay deegaanka Beerxaani ee Gobolka Jubbada Hoose, halkaasoo ay ku beegsadeen xubno ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab.
War ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Somaliya ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka oo kaashanaysa Ciidamada Mareykanka ay duqayntan ka fuliyeen aagga Beerxaani, laguna dilay shan ka mid ah maleeshiyada Al Shabaab.
Warka ayaa lagu sheegay inaanu weerarkaasi waxyeelo ka soo gaarin dadka rayidka ah.
Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay ku dhawaaqay in Dowladda Federaalka ay qaadi doono guluf ka dhan ah maleeshiyada Al Shabaab.
Waa weerarkii ugu horreeyay ee Mareykanku ka fuliyo Gobolada Koonfurta, laba toddobaad ka dib, markii Madaxweyne Joe Biden uu amray in ciidamada gaarka ee Mareykanka dib loogu celiyo Somaliya.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com